Askar katirsan xukuumadda Kaabul oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaal ka dhacay Afqaanistaan.

Ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa weerar ku ekeeyey fariisin ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan xukuumadda Kaabul, waxaana goobta ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidamada Imaarada ayaa weerar abaabulan waxay ku qaadeen difaacyo ay deegaanka Dasht Qalcat ku leeyihiin ciidamada milliteriga xukuumadda Kaabul, waxaana goobta ka dhacay dagaal in muda ah socday oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

War kooban oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga ayaa lagu xaqiijiyay in Mujaahidiintu ay weerarkaas ku gubeen labo gaari oo noocyada gaashaman ah, halka ay goobta ku dhinteen 7 askari oo katirsan malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay dhaawaca 10 askari oo katirsan ciidamadii ku sugnaa difaaca la weeraray.

Howlgalka Al-khandaq ayaa si firfircoon uga socda guud ahaan dalka Afqaanistan, waxaana Afqaanistaan ka muuqda astaamaha guusha, iyadoona la filayo in dalka ay isaga baxaan ciidamada Shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.