Bin Salmaan: Waan ku taageereynaa Shiinaha dagaalka ay kula jirto Argagaxisada.

Muxamad bin Salmaan iyo Safiirka Shiinaha ee dhulka Xarameynka.

Muxamad bin Salmaan oo ah dhaxalsugaha koowaad ee maamulka Aala-sucuud, sidoo kalena ah wasiirka gaashandhiga maamulkaas ayaa booqasho rasmi ah wuxuu ku tagay magaalada Bakin ee caasimadda wadanka Shiinaha.

Bin Salmaan wuxuu kulamo ballaaran la qaatay madaxda wadanka Shiinaha oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dalkaas, iyagoona go’aan ku gaaaray in lasii wado dhibaatada lagu hayo shacabka muslimka ah ee Turkistaanta bari.

Dhaxalsugaha Aala-sucuud Muxamed bin Salmaan ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay xaq u leedahay “ ilaalinta amnigeeda, iyo la dagaalanka argagaxisada” oo uu ula jeedo muslimiinta dulman ee dhulkooda xooga lagu heysto, islamarkaana ku nool Turkistaanta bari.

“Shiinuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu qaado tallaabo weliba oo uu ku sugi karo amnigiisa, isagana caabin karo xagjirnimada iyo argagaxisada” ayuu yiri Muxamad bin Salmaan.

Dowladda Shiinaha ayaa aad usoo dhaweysay hadalka dhaxalsugaha Aala-sucuud, waxayna sheegtay in labada dowladood ay iska kaashan doonaan ka hortaga waxa loogu yeero Argagaxisada oo loola jeedo muslimiinta Turkistaanta bari.

Muxamad bin Salmaan wuxuu dowladda Shiinaha la saxiixday heshiisyo waaweyn oo ku kacayo balaayiin dollar, waana arinta la yaabka leh, sida dowlad sheeganeysa Islaamnimo hadana u taageereyso dhibaatada lagu hayo muslimiinta.

Xabsiyada ballaaran ee dusha sare ka furan, islamarkaana lagu hayo muslimiinta Turkistaanta bari, ayuu Muxamad bin Salmaan ku tilmaamay iney tahay arin wanaagsan oo ay tahay dowladda Shiinaha iney xoojiso.

Muslimiinta Turkistaanta bari ayaa aad uga xumaaday hadalka dhaxalsugaha Aala-sucuud, waxaana booqashada bin Salmaan ee Shiinaha ay markale daaha ka rogeysaa xaqiiqda maamulka ka dhisan dhulka Xarameynka.

Halkan Hoose ka dhagayso Warbixin ku aadan dhibaatooyinka ay la kulmayaan Muslimiinta Turkistaanta bari.

Halkan ka dhagayso Warbixin ka hadleysa dhibaatada ay ku jiraan Muslimiinta Turkistaanta bari.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.