Ciidamada Al-Shabaab Oo Weeraray Shisheeyaha jooga Buula-Mareer iyo Buula-burde.

Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay waxay weerar xoogan ku qaadeen fariismiyaasha ciidamada shisheeyaha Uganda ku leeyihiin magaalada Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalka oo dhacay saq dhexe ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay si gaar ah u beegsadeen teendhooyinka iyo difaacyada ciidamada Shiseeyaha Uganda.

Dadka degan magaalada Buula-mareer ayaa noo xaqiijiyay iney maqlayeen takbiirta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyadoona ciidamada Shisheeyaha ay ku uruureen difaacyada iyo godadka uga  qodan gudaha xerooyinkooda milliteriga.

Dhinac kale, ciidamada Jabuutiyaanka ee jooga magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan ayaa la kulmay weerar culus oo duqeyn ah, kaas oo uga yimid dhinaca ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Guutooyinka Jugta culus ee Al-Shabaab ayaa dhowr gantaal waxay ku garaaceen saldhiga ciidamada Jabuutiyaanka ku leeyihiin magaalada Buula-burde, waxaana xogo la helayo ay ku waramayaan in duqeyntu ay ahayd mid ba’an.

Howlgallada ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa joogto ah, waxaana Mujaahidiintu si isku mid ah u beegsanayaan noocyada kala duwan ee ciidamada Shisheeyaha, kuwa dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.