Ciidamada Bankrafta Oo Dhac ka geystay Toora-toorow.
Saqdii dhexe ee xalay ayaa ciidamo Soomaali ah oo daacad u ah kuwa Maraykanka waxay duulaan kusoo qaadeen deegaanka Toora-toorow oo kamid ah deegaannada caanka ah ee gobolka Shabeellaha-hoose.
Ciidamada Bankrafta ayaa soo galay qeybo kamid ah xaafadaha deegaanka, gaar ahaan suuqa Toora-toorow, halkaas oo ay ka geysteen dhac iyo boob xoogan.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa noo xaqiijiyay in ciidamada Bankrafta oo ay kor ka waardiyeynayeen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ay jabsadeen xarumaha ganacsiga, iyagoo daabushey badeecado kala duwan oo u badan bur, bariis iyo Sonkor.
Xilliga ay ciidamada Bankraftu soo galayeen deegaanka Toora-toorow waxaa magaalada isaga baxay dadka shacabka oo u badan beeralay iyo xoola dhaqato, mana jirin wax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray dadka shacabka ah.
Arintan ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka ciidamada Maraykanka kusoo kordhiyeen shacabka Soomaaliyeed oo la daala dhacaya gumeysi ba’an oo Shisheeyaha uga imaanaya, waxaana dhinac kale tallaabadan boobka ah ay muujineysaa go’doonka adag ee saaran ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ee degan saldhiga Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha-hoose.