wararka

Ciidamada Jabuuti Oo Buula-burde Lagu Weeraray.

Warrarka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulkeena Soomaaliya, ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan lagu weeraray ciidamada Jabuuti oo qeyb ka ah dallada shisheeyaha AMISOM ee duulaanka ku jooga dalkan.

Labo Qarax oo cul-culus ayaa lala eegtay ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Inkastoo aynaan helin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qaraxyadan, hadana waxaa dadka ku sugan magaalada ay soo sheegayaan iney u muuqato in ciidamada Jabuutiyaanku gaaray khasaare culus.

Ciidamada Jabuuti ayaa gobolkha Hiiraan waxaa looga yaqaanaa ‘Hiil gumeysi” waxaana ay dhibaato ku hayaan shacabka degan magaalooyinka ay ka joogaan Hiiraan.

Dhawaan, ayaa duqeymo xoogan oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen  saldhiga ciidamada Jabuuti ku leeyihiin degmada Jalalaqsi waxaa ka dhashey khasaare dhimasho iyo dhaawac oo gaaray  Jabuutiyaanka, waxaana la xaqiijiyay dhimashada 5 askari, iyo dhaawaca 12 kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*