Ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda oo lagu weeraray Ceelasha iyo Nawaaxigeeda.

Habeenkii xalay, howlgallo kala duwan ayaa ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose, kuwaas oo lagu beegsaday ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka.

Dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray saldhig deegaanka Arbacow ee hoostaga Ceelasha-biyaha ku leeyihiin ciidamada Uganda ee qeyta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya.

Dagaalka oo in muda ah socday, islamarkaana aad u cuslaa ayaa waxaa ka dhashey khasaare gaaray ciidamada Shisheeyaha ee joogay halka la weeraray.

Sarkaal iyo Askari Yuganadhes ah ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen weerarka lagu qaaday Arbacow, waxaana sidoo kale dhaawacan taliyihii guud ee heystay ciidamada Uganda ee saldhiga ku leh Arbacow.

Sidoo kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay xalay weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaannada Calamada iyo Siinka-dheer oo dhaca inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Waxaa sidoo kale weerar culus la kulmay xarunta maamulka ee deegaanka Ceelasha-biyaha, mana helin faafaahin ku aadan khasaaraha ka dhashey howlgalladaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.