Ciidamo Itoobiyaan ah Oo ku le’day Qaraxyo ka dahcay Baardheere.

Ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa lala  eegtay qaraxyo xoogan oo khasaare dhaliyay, kuwaas oo ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolkaas.

Warar ay heleyso Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in labo qarax oo culus lala helay ciidamo Itoobiyaan ah, Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay iney arkayeen ciidamo Itoobiyaanka oo wata meydad iyo dhaawacyo tiro badan.

Ugu yaraan 9 Askari Itoobiyaan ah ayaa dhintay, halka kudhawaad 20 askarina ay dhaawac noqdeen, kuwaas oo dhamaantooda katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan lagu weeraray ciidamada Xabashida, ee khasaaraha ba’an dhaliyay.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa gobollada ay duulaanka ku joogaan waxay kula kulmayaan weeraro dhiig bixin ah oo uga imaanaya dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo sii kordhisay howlgallada ka dhanka ah Shisheeyaha duulaanka ku jooga dalkeena Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.