Ciidamo katirsan Xukuumadda Kaabul oo lagu dilay Afqanistaan.
Wararka ka imaanaya dalka Afqaanistaan ayaa ku waramaya in ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ay fuliyeen weerar ballaaran, kaas oo lagu dilay tiro askar ah oo kamid ah malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul.
Ciidamada Imaarada ayaa weeraray difaac ay ku sugnaayeen tiro askar ah oo katirsan xukuumada Kaabul, waxaana goobta dhimasho iyo dhaawac ku noqday inta badan ciidamadii joogay.
War kooban oo lagu qoray barta Telegramka ee Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa lagu sheegay in ciidamada mujaahidiinta ay weerar ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Darha-suuf, halkaasna ay ku dileen tiro malleeshiyaad ah.
Inta haatan la xaqiijiyay waxaa weerarkan ku dhintay 19 askari oo katirsan malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 7 kale.
Dalka Afqaanistaan ayaa waxaa si adag uga socda howlgalka Al-khandaq ee ay Imaaradu ku dhawaaqday, waxaana la filayaa in gebi ahaanba ciidamada Maraykanka iyo kuwa Shisheeyaha isaga baxaan wadanka bilaha soo socda Inshaa’Allaah.