Ciidamo Maraykan ah Oo lagu Weeraray duleedka Afgooye.

Dagaallo xoogan ayaa deegaanno dhaca duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha-hoose ku dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Maraykan ah oo ay wehlinayeen ciidamada calooshood u shaqeystayaasaha ee DANAB loo yaqaano.

Dagaallada ayaa yimid kagadaal markii ciidamada Maraykanka ay soo aadeen deegaanno ku hoos jira gacanta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo hoos yimaada degmada Afgooye, waxaana dadka goobjoogayaasha ay sheegayaan in dagaalku adkaa.

Qaraxyo culus ayaa lala helay gawaarida ciidamada Maraykanka, kuwaas oo geystay waxyeello kala duwan, balse ma helin faafaahinta rasmiga ah ee khasaaraha gaaray ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ee la socday.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa soo gaaray goobta, kuwaas oo qaaday meydadka iyo dhaawacyada ciidamada waxyeelladu kasoo gaartay qaraxyada lala helay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.