Dab Sababay Khasaare Dhimasho oo Ka Kacay Xarun Ku Taalla Degmada Burtinle Ee Gobolka Nugaal.

Dab geystay khasaare kala duwan oo isugu jira naf iyo mid hantiyeed ayaa ka kacay degmo ka tirsan gobolka Nugaal. Wararka naga soo gaaraya degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan in uu dab ka kacay xarun ganacsi oo halkaasi ku taalla kaasoo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo baaba’ hantiyeed.

Dabkan ayaa ka kacay kaalin shidaal waxaana ku dhintay hal ruux iyo hanti aad u badan oo isugu jirta shidaal iyo lacago kaash ahba ay ku bas beeleen. Qofka dhintay waa wiil yar oo uu dhalay milkiilaha xarunta shidaalka. Wiilka oo xarunta gudaheeda ku jiray markii uu dabku kacay ayaa la awoodi waayay in lasoo saaro, halkii ayuuna ku geeriyooday.

Illaa iyo hadda lama sheegin sababta dhabta ah ee ka dambeysa inuu dabkan ka dhasho xarunta. Bilihii lasoo dhaafay waxaa Soomaaliya kusoo badanayay dabka ka kacaya suuqyada iyo xarumaha ganacsiga ee waaweyn, waana meelaha ay ka taliyaan shisheeyaha iyo maamulada ku daaban.

Bulshada ku dhaqan Burtinle ayaa ka murugooday dabkan iyo khasaaraha uu geystay. Burtinle waa magaalo ay deggenyiin dad badan oo Soomaaliyed. Waana dagmo ku taalla Gobolka Nugaal una dhaxaysa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.