Dab Xooggan oo Ka Kacay Qeybo Kamid Ah Warbaahinta Maamulka Somaali-land.

Dab xooggan oo geystay khasaarooyin kala duwan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka kacay xarunta idaacadda iyo Tv-ga maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Dabkan ayaa gabi ahaanba baabi’iyay xafiiska isgaadhsiinta maamulka oo hoos tagayay wasaarada warfaafinta siiba idaacada iyo Telefeeshinka oo ku hadla afka maamulka Somaliland.

Dabkaasi kacay oo xoogganaa ayaa waxa kale oo uu liqay dhamaan agabkii halkaasi yaalay oo u badnaa qalabka wax lagu duubo, computaro iyo qalab aad u baaxad leh oo istuudiyo ahaan loo isticmaali jiray iyo sidoo kale qaybo lagu xafido waxyaabaha ay warbaahinta madax banaani baahiso maalin walba.

Xafiiskani oo ay ku baxday lacag aad u tiro badan ayaa waxaa la hir galiyay qiyaastii muddo sannad laga joogo, waana qayb ka mid ah dabagalka warbaahinta madax banaan ee aan taageerin xukumadda si loo helo qalad ay maalin galaan ama war aaney jecleysan oo la baahiyo kadibna ay ku maxkamadeeyaan ama ay dacwad ugu soo oogaan.

Illaa iyo hadda lama garnaayo waxa dabkani kaciyay wasaarada warfaafintuna kama aysan hadlin khasaarahani ku habsaday qaybtaasi bas beeshay oo ay wariyaasha Hargeysa ku tilmaameen iney ahayd xarun loo sameystay caburinta saxaafadda.

Dhowr bilood ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale uu dab ka kacay qeybo kamid ah xarunnta warbaahinta DF ee magaalada Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.