Dagaallo Xoogan oo lagu qaaday Shisheeyaha jooga Qoryoolay iyo Baraawe.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay waxay weeraro xoogan ku qaadeen ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka ee duulaanka ku jooga magaalooyinka Qoryoolay iyo Baraawe oo katirsan degmooyinka Shabeellaha hoose.
Wararka ka imaanaya Qoryoolay ayaa sheegaya, in xalay magaalada uu ka dhacay dagaal aad u culus, kaas oo si adag ay Mujaahidiintu ugu farasaareen ciidamada Shisheeyaha.
Qeybaha kala duwan ee hubka ayaa la isku adeegsaday, waxaana ciidamada dowladda ay miciin bideen kuwa Shisheeyaha, halkaas oo uu ka dhacay dagaalka ugu adag.
Dhinac kale, ciidamada Mujaahidiinta ayaa weeraray difaacyada Shisheeyaha ee magaalada, waxaana dagaalka ugu adag uu ka dhacay halka laga dhisayo garoonka diyaaradaha.
Weli ma helin faafaahin rasmi ah, balse waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka.