DEG-DEG: Pakistaan oo ka dhabeysay Hanjabaadii ay u jeedisay Hindiya.
Dowladda Pakistaan ayaa ka dhabeysay hanjabaadii ay u jeedisay dowladda Hindiya oo maalintii shalay duqeymo xoogan ka fulisay gudaha dalka Pakistaan.
Ciidamada dowladda Pakistaan ayaa shaaca ka qaaday iney dhulka soo dhigeen labo diyaaradood oo noocyada dagaalka ah, kuwas oo soo galay hawada dalka Pakistaan.
Mid kamid ah diyaaradaha ay ciidamada Pakistaan soo rideen waxay ku dhacday gudaha dalka Pakistaan, waxaana nolosha lagu qabtay duuliyihii diyaaradaas, halka mida kalan ay ku dhacday dalka Hindiya.
Arintan ayaa kusoo aaday, iyadoo diyaaradaha Hindiya ay duqeeyeen magaalada Balaakoot ee dalka Pakistaan, waxaana Hindiya ay sheegtay in duqeymahaas ay ku dishey ugu yaraan 300 oo dagaalyahan oo katirsan Jamaacada Jeyshu Muxamed.
Lama oga sida uu ku dabmeyn doonto xiisada siyaasadeed ee soo kala dhexgashey dowladaha Hindiya iyo Pakistaan, waxayna timid xilli dhawaan weerar ka dhacay gobolka Kashmiir lagu dilay ugu yaraan 46 askari oo katirsan Police-ka dowladda Hindiya.