DEG-DEG: Xillibaan Cismaan Cilmi Boqorre Oo Muqdisho Lagu dilay.

Xillibaan Cismaan Cilmi Boqorre.

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu dilay xillibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo kamid ah xillibaannada ugu caansan ee baarlamaanka baarlamaanka federaalka.

Rag hubeysan ayaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dilay xildhibaankan, xilli uu ku sugnaa meel u dhow hoygiisa oo ku yaala isla degmada.

Dhowr xabadood oo lagu dhuftay ayuu u dhintay sida ay goob joogayaal iku warameen.

Dilka kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo katirsan dowladda, kuwaas oo qaaday meydka Xillibaanka oo hadda aan la ogeyn halka lagu hayo.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Xilibaanka. Boqorre ayaa tan iyo dowladdii Cabdi-Qaasim wuxuu ahaa xillibaan katirsan baarlamaanka iyadoona uu xilligii C/llhi Yuusuf noqday gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka.

Boqorre ayaa dadka yaqaana waxay sheegeen inuu yahay xillibaanka ugu da’da weyn ee baarlamaanka dowladda federaalka, waxaana noloshiisa inta ugu badan uu kusoo qaatay Siyaasadda.

Xillibaaano iyo madaxweynayaal soo maray dowladda federaalka iyo siyaasiyiin kale ayaa walaac ka muujiyay dilkiisa, waxayna sheegeen iney aad uga xunyihiin.

Horay ayuu Boqorre u sheegay in xaaladiisa amniga uu u baqayo, islamarkaana ay dayacday dowaldda federaalka ah, xilli uu waraysi siinayay Idaacadda Al-Furqaan sannadkii 2015.

Halkan ka dhagayso qeyb aan kasoo jarney waraysiga uu Xillibaan Cismaan Cilmi Boqorre siiyay Al-Furqaan intii uu noolaa.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.