SAWIRRO:Diyaaradaha Maraykanka Oo Dad shacab ah ku dilay gobolka Shabeellaha-hoose.

Habeenkii xalay, ayaa diyaaradaha Maraykanka waxay duqeymo culus ka fuliyeen deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha-hoose, halkaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dhowr ruux oo shacab ah.

Deegaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabeellaha hoose ayay duqeymaha ugu badan ka dhaceen, waxaana duqeymahaas ku dhintay ugu yaraan 3 ruux oo ay kujirto gabar yar oo dhalan 20 cisho, macallin dugsi Quraan iyo qof kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa duqeymahan ku dhaawacmey 2 ruux oo kale, kuwaas oo hadda xaaladooda lagula tacaalayo xarumaha caafimaadka ee deegaanka Kuunya-barrow.

Diyaradaha Maraykanka waxay dhinac kale duqeymo kuwan lamid ah ka fuliyeen Jannaale iyo deegaanka Dacaraha oo dhamaantooda katirsan gobolka Shabeellaha-hoose, inkastoo aysan nasoo gaarin warar la xiriira khasaaraha ka dhashey duqeymahaas.

Maraykanka ayaa qeybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya wuxuu u aqoonsaday aag dagaal oo ay banaan tahay in dadka shacabka ah lagu xasuuqo, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay walaac ka muujiyeen arinkaas.

Dhowr jeer oo hore ayaa diyaaradaha Maraykanka waxay duqeymo ay ka fuliyeen deegaanno dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaya ku dileen dad shacab ah, iyagoona ku tilmaamay iney yihiin dagaalyahanno katirsan Xarakada Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.