Donald Trump oo ceeb iyo fadeexad kala kulmay khudbadiisa sanadla ah ee uu jeediyay.
Madaxweynaha Maraykanka ninka lagu magacaabo Donald Trump ayaa jeediyay khudbadiisii labaad ee sanad laha ah, taas oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee Maraykanka iyo waxayaabha u qabsoomey inta uu madaxweyna yahay.
Khudbadd Trump waxaa ka buuxay faan aan waxba kajirin, marin habaabin dhanka macluumada ah, iyo san taag hor leh oo ku qasbeysa madaxweynaha inuu kusii socdo siyaasadiisa ku dhisan inuu isku arko qof dhameystiran.
Shacabka Maraykanka ayaa rajo beel aan horey loo arag ka qaaday hadalka uu jeediyay madaxweyne Trump, waxaana warbaahinta Maraykanka ay hadalka madaxweyne Trump kasoo saareen inkabadan 30 been oo uu si muuqata u sheegay Trump.
Arimaha ugu waaweyn ee uu sheegay Trump waxaa kamid ah in dagaalka waxa loogu yeero bariga dhexe uu Maraykanku kaga jiro uu socdo 19 sanadood oo xiriir ah, taas oo aan waxba ka jirin, maadaama la ogyahay in dagaalka Ciraaq uu billowday sanadkii 2003-da.
Arimaha kale uu Trump sheegtay waxaa kamid ah in dhaqaalaha Maraykanka uu aad u kobcay, intiii uu xilka hayay, waxaana khubarada dhaqaalaha ay sheegeen in arintaas ay been abuur tahay, islamarkaana jirin horumar uu sameeyay dhaqaalaha Maraykanka.
Khudbadda Trump waxay u badneyd faan aan xaqiida ku saleysneyn, waxayna taas sababtay in taageeriyaashiisi xisbiga Jamhuuriga ay hoolka uu khudbadda ka jeedinayay kasoo baxaan iyagooo careysan, islamarkaana niyad jabsan.
Shacabka Maraykanka ayaa filayay in Trump uu jeediyay khudbad horsoodeysa in la xalliyo khilaafka adage e u dhexeeya mataliyaasha shacabka Maraykanka ee Axsaabta Jamhuuriga iyo dimuqraadiga.
Balse taas bedelkeeda, Trump ayaa sii fogeeyay wax weliba oo rajo ah oo laga lahaa in la xalliyo khilaafka, taas oo ay dadka badi ku tilmaameen iney tahay isla weyni ku jirta Donald Trump.