Dowladda Suudaan oo xaalad deg deg ah kusoo rogtay guud ahaan dalkaas.
Iyadoo dhowr bilood oo xiriir ah ay banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo xukuumadda Al-bashiir ka dhacayaan wadanka Suudaan ayaa dowladda waxay xaalad deg deg ah kusoo rogtay guud ahaan gobollada dalka.
Cumar Xasan Al-bashiir; madaxweynaha dalka Suudaan ayaa sheegay in xaalad deg deg ah la geliyay wadanka Suudaan, isagoona ka codsaday baarlamaanka inuu dib u dhigo qorshaha wax looga bedelyo dastuurka dowladda Suudaan.
Xaaladan deg dega ah ee lagu soo rogay guud ahaan dalka Suudaan ayaa la sheegay iney socon doonto ugu yaraan hal sano oo xiriir ah, taas oo ka dhigan in Al-bashiir ay ka go’antahay inuu ilaashado kursiga madaxtinimada.
Cumar Xasan Al-bashiir ayaa u magacaabay wasiirkiisa gaashandhiga Ciwad bin Cowf inuu noqdo ku xigeenkiisa koowaad, isagoo sii heynaya wasaaradda gaashandhiga.
Dad badan oo falanqeeya arimaha Suudaan ayaa go’aanka kasoo baxay madaxweyne Al-bashiir waxay ku tilmaameen inuu yahay mid lagu xalaashanayo dhiiga shacabka Suudaan, ee kasoo horjeeda siyaasadda iyo qaabka ay ku socoto xukuumadda Al-bashiir.
Xaaladan deg-dega ah ee lagu soo rogay dalka ayaa ka dhigan in ciidamada milliterigu ay ku kici karaan gabood fal weliba oo ka dhan ah shacabka, iyadoo aysan jirin cid ka hor iman karta ama dhaliili karta.