Maamulka Hir-Shabeelle Oo walaac ka muujiyay bixitaanka Ciidamada Burundi.

Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxa’ed Cabdi Waare ayaa walaac xoogan ka muujiyay qorshaha kunka askari ee ciidamada Burundi katirsan looga saarayo dalka Soomaaliya.

Waare oo kulan la yeeshey madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Fransisco Madera ayaa sheegy in qorshaha ay AMISOM qaadatay ee ciidamada Burundi looga saarayo Soomaaliya uu yahay mid xanuun badan, islamarkaana aad u saameynaya maamulkiisa.

Kulan saacado qaatay kadib oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah ayaa Waare iyo Madera waxay qabteen shir jaraa’id, wuxuuna Waare si toos ah u sheegay in go’aankan kunka askari ee ciidamada Burundi katirsan looga saarayo Soomaaliya uu yahay mid xanuun badan.

“Waan uga mahad celinaynaa marti qaadka naloo sameeyay, si aan uga wadahadalno arin muhiim ah, waxaan filayaa in ugu dambeyn qorshaha kalaguurka uu noqday mid dhab ah, waana go’aan xanuun badan oo la qaatay.. waxaan kuu sheegayaa mudane in ka Hir-shabeelle ahaan aan sameyn doonno wax weliba oo la sameyn karo” ayuu yiri madaxweynaha Hir-shabeelle Waare.

Fransisco Madera ayaa dhiniciisa sheegay in go’aanka qorshaha kala guurka oo ah qorshe ay AMISOM ku dooneyso iney uga baxdo Soomaaliya uu yahay go’aan dhab ah, islamarkaana la fulinayo, kunka askari ee ciidamada Burundi katirsan ee laga saarayo Soomaaliyana uu qeyb ka yahay qorshahaas.

Taliska ugu weyn ee ciidamada Burundi ku leeyihiin Soomaaliya ayaa ku yaala magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha-dhexe, waxaana gobolkaas jooga ciidamada ugu badan ee ka socda Burundi, waana mida keentay walaaca Waare iyo in go’aanka lagu dhimiyo ciidamada Burundi uu ku tilmaamo mid xanuun badan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.