Hooyo 60 jir ah oo tiri: Maraykanow waxad leysaa shacabka, adigaana ah Argagaxiso.

Hooyo 60 jir ah oo soo booqatay Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa ka hadashey duqeymihii dhawaan diyaaradaha Maraykanka ka geysteen deegaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabeellaha hoose, taas oo ay ku dhinteen 3 ruux oo ay ku jirto gabar 20 habeen dhalneyd.

Hooyo Meymuuna ayaa sheegtay in habeenkaas ay  joogtay magaalada, islamarkaana diyaaradaha Maraykanka ay si bareer ah u beegsadeen dad shacab masaakiin ah.

Waxay hooyadan da’da ah intaas ku dartay in Maraykanku uusan weerar ku ahayn Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ee ujeedkoodu yahay iney xasuuqaan dadka shacabka ah.

Dowladda Maraykanka ayaa dadka shacabka ah ee ay ku dishey duqeyntii Kuunya-barrow waxay ku tilmaamtay iney ahaayeen dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana la is weydiin karaa sida uu dagaalyahan ku noqon karo dhallaan 20 habeen oo keliya jiray.

Halkan ka dhagayso Hooyo Meymuuna oo ka hadashey duqeymihii Kuunya-barrow.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.