Howlgallo Khasaare dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgallo kala duwan ka fuliyay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo kala ah xarumaha gobolka Banaadir iyo Baydhabo.
Rag hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ku dilay gaashaanle sare oo katirsan ciidamada dowladda, kaas oo ku magacdheer Kil-kil.
Sidoo kale Askari katirsan ciidamada dowladda oo caan ku ahaa magaca Dhashiike ayaa rag hubeysan waxay ku dileen deegaanka Weydow oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.
Dhinac kale qarax xoogan ayaa ciidamada Itoobiya waxaa lagula eegtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan islamrakaana jugtiisa laga maqley qeybo kamid ah magaalada ayaa sababay burbur soo gaaray gaariga, iyo khasaare aan illaa iyo hadda tiradooda la helin.