Indheer-garad ka hadlay dhacadadii naxdinta lahayd ee Gaalkacyo.(Dhagayso)

Nabadoon Maxamed Jimcaale Kheyre oo ku dhaqan gobollada Jubbooyinka ayaa ka hadlay dhacdadii naxdinta lahayd ee dhawaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo, taas oo lagu kufsaday, laguna dilay gabar da’ yar oo lagu magacaabo Caasho Ilyaas Qarjab.
Nabadoonku wuxuu sheegay inuu aad uga xanuunsaday dhacdadaas, wuxuna sheegay in falkaas ay geysteen dad cadow ah oo aan damiir lahayn.
Ugu dambeyntii wuxuu Nabadoon Maxamed Jimcaale Kheyre sheegay iney aad ula damqanayaan ehelka ay dhibaatadu gaartay, maadaama Muslimiintu yihiin hal jir oo keliya.