Kudhawaad 10 askari oo katirsan maamulka Aala-sucuud oo ku dhintay dagaallo dhexmaray iyaga iyo Xuuthiyiinta.
Sida ay baahiyeen warbaahin u dhow maamulka Aala-sucuud, waxaa dhintay ciidamo katirsan maamulka, kuwaas oo dagaal adag la galay malleeshiyaad katirsan Xuuthiyiinta.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaannada xuduud beenaadka ee kala qeybiya Xarameynka iyo Yaman, waxaana labada dhianc ay isku adeegsadeeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Inta haatan la hubo, waxaa la xaqiijiyay dhimashada 9 askari oo katirsan maamulka Aala-sucuud.
Xuuthiyiintu waxay sheegeen iney khasaare adag gaarsiiyeen ciidamada maamulka Aala-sucuud, waxayna dagaalladu socdeen tan iyo maalintii shalay oo Jimco ahayd.