Hiiraan: Kudhawaad 20 Askari Jabuutiyaan ah oo ku waxyeelobay Duqeyn Lagu garaacay Saldhig ay ku sugnaayeen.
Ciidamada Madaafiicda Jugta culus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeymo xoogan ku garaacay saldhiga ciidamada Jabuuti ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Madaafiicda lagu tuuray saldhiga ayaa haleelay gooobihii la beegsanayay, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray ciidamada Jabuutiyaanka oo ay Soomaalidu u taqaan Hiil-gumeysi.
Inta haatan la xaqiijiyay waxaa duqeyntaas ku dhintay 5 Askari Jabuutiyaan ah, halka sidoo kale ay dhaawacyo soo gaareen ugu yaraan 12 askari, waxaana kamid ah dhaawacyo xaaladoodu halis tahay.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda duqeyntan lagu garaacay saldhiga Jabuutiyaanku ku leeyihiin Jalalaqsi, waxaana guutooyinka Jugta culus ee Mujaahidiintu ay mudooyinkii dambe sii kordhiyeen weerarada ay ku beegsanayaan Shisheeyaha iyo kuwa kaba-qaadka u ah.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidan oo kale, ciidamada Mujaahidiinta ay duqeyn ku garaaceen saldhiga Jabuutiyaanka ee Jalalaqsi, inkastoo la helin xilligaas faafaahin ku aadan khasaaraha.