Maraykanka Oo duqeeyay Dugsi Qur’aan ku yaala Shabeellaha hoose.(Sawirro)

Duqeyntii diyaaradaha Maraykanka ka fuliyeen deegaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabeellah-hoose waxaa goobaha ku burburay ku jira madaraso lagu barto Qur’aanka kariimka, taas oo ay dhigtaan arday aad u farabadan.

Madarasada ay duqeyntu haleeshay waxaa lagu magacaabaa Imaamu Shaadhibi 2, waxaana burbur xoogan uu gaaray qeybo badan oo kamid ah madarasada.

Labo maalmood oo xiriir ah ayay madarasadu fasax ahayd, sababo ku aadan burburka xooga leh ee kasoo gaaray duqeymaha diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen Kuunya-barrow.

Hoos ka daawo Sawirrada Madarasada ay burburiyeen diyaaradaha Maraykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.