Maraykanka oo markale ka hadlay waqtiga ciidamadiisu bilaabayaan iney ka baxaan Suuriya.
Iyadoo bilo kahor madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in ciidamadiisu kala baxayo dalka Suuriya ayaa dowladda Maraykanka waxay markale ku celisay go’aankaas, iyadoo sheegtay inuusan waxba iska bedelin.
Taliyaha ciidamada Maraykanka ee waxa loogu yeero mandiqadda bariga dhexe Joseph Votel ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Maraykanka ay bilaabayaan ka bixitaanka wadanka Suuriya.
Jeneraalka oo safar ku marayo wadamo dhowr ah oo dhaca caalamka Islaamka ayaa wariyaal safarka ku wehlinaya wuxuu u sheegay in todobaadyada soo socda ay suurtagal tahay in ciidamadooda jooga Suuriya billaabaan kasoo bixitaanka dalkaas.
Votel wuxuu sheegay in xilli hore ay billaabeen in saanadaha milliteri ee culus ay kasoo saaraan dalka Suuriya, waxa harayna ay yihiin ciidamada iyo hubka ay ku dagaallamayaan, wuxuuna sheegay in soo saarista ciidamadu aysan ahayn arin adag.
Mar la waydiiyay in ciidamada Maraykanka ee ka baxaya Suuriya aadi doonaan dalka Ciraaq ayuu ka gaabsaday inuu si cad uga jawaabo, wuxuuna sheegay in qorshaha ciidamadaas la doonayo inuu noqdo mid qarsoon oo sir ah.
Maraykanka ayaa qorsheynaya ka bixitaanka wadamada Suuriya iyo Afqaanistaan, kadib dagaalkii ugu dheeraa taariikhdiisa oo uu la galay islaamka iyo muslimiinta.