Masar: Kudhawaad 10 ruux qof Maxaabiis ah oo lagu fuliyay Xukun Dal-dalaad ah.

Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee maanta oo Arbaco ah xukun daldalaad ah lagu fuliyay dhowr ruux oo kamid ahaa maxaabiista ku xiran xabsiyada nidaamka Afgembiga.

Ugu yaraan 9 ruux oo kamid ahaa maxaabiista ku xiran xabsi ku yaala Al-Qaahira ayaa saaka lagu fuliyay xukun daldalaad ah, sida ah uu xaqiijiyay sarkaal katirsan ciidamada Asluubta maamulka Siisi.

Sagaalka qof ee xukunka daldalaada ah lagu fuliyay ayaa lagu eedayay iney ku lug lahaayeen howlgal ka dhacay magaalada Al-Qaahira, oo lagu dilay Xeer ilaaliyihii guud ee maamulka uu hogaamiyo Cabdil-Fataax As-siisi.

Xukunkan dal-dalaada ah ayaa kusoo aaday xilli maalmihii lasoo dhaafay hay’adaha sheegta iney u doodaan Xuquuqda Insaanka ay soo saarayeen codsiyo ku aadan inaan la daldalin maxaabiista ku xiran xabsiyada dalka Masar.

Maamulka Afgembiga ee uu hogaamiyo kaligii taliyaha lagu magacaabo Siisi ayaa tan iyo inta uu xoog ku heysto talada wadanka, wuxuu geystay gumaad iyo xasuuq wuxuushnimo ah oo loo geystay shacabka Masaarida.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.