Maxamad Xassan: “9-ka Qof Ee Lagu Laayay Xaawa Cabdi Waxaa U Sabab Ah DF” (Dhageyso)
Maalintii dorraad ahayd waxaa degaanka Xaawa Cabdi oo u dhow Ceelasha Biyaha ka dhacay arrin naxdin leh kadib markii dabley hubeysani ay toogteen Sagaal ruux oo geed qaad ku sameynayay dhul halaas ku yaalla, waxaana sagaalkaas kamid ahaa lix haween ahi.
Arrintan ayaa waxaa kasoo baxayay warar kala duwan, balse aqoonyahan sharci yaqaan ah oo lagu magacaabo Maxamad Xassan ayaa sheegay in dhacdadan ay lamid tahay kuwa sannadihii ugu dambeeyay kusoo laalaabanayay halkan, waxaana uu sababteeda dusha uga tuuray DF.
Aqoonyahanka ayaa sheegay in qadiyadan ay la xiriirto dhulalka, waxa ugu wacanna ay tahay dowladda oo dad badan usoo sharciyeysa hal dhul ama shirkado ka gadata dhul dad leeyahay taasna ay sababto inta badan wax lamid ah wixii dorraad dhacay oo kale.
Wuxuu bulshada ku dhaqan degaanada Ceelasha iyo kuwa ku dhow kula taliyay in aysan ku dagaalamin wax ay odayaashooda xallin karaan ama ay maxkamadaha wilaayaadka u bandhigan karaan, waxaana uu ugu dambeyntii u tacsiyeeyay dadkii maatida ahaa ee lagu laayay degaanka Xaawo Cabdi.