Qarax ka dhacay Shabeellaha-dhexe oo lagu dilay Askar Shisheeye ah.

Qarax xoogan ayaa gobolka Shabeellaha-dhexe waxaa lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa Burundi ee qeybta ka ah Shisheeyaha duulaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

Wuxuu haleelay qaruxu gaari nooca Tawga ah oo ay wateen ciidamada Shisheeyaha, kaas oo marayay deegaan lagu magacaabo Ilbaq oo hoosyimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeellah-dhexe.

Inta haanta la hubo, waxaa qaraxan ku dhintay 4 askari oo Burundeys ah, halka ay dhaawacmeen 6 kale, waxaana burbur xoogan uu soo gaaray gaariga Tawga ah.

Ciidamada Shisheeyaha ee la qarxiyay ayaa ka yimid dhanka Muqdisho, wuxuuna kusii jeeday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha-dhexe, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamo Shisheeye ah oo ka socda dalka Burundi.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Shisheeyuhu ay 1000 askari oo ka socota dalka Burundi ka saari doonaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeellaha-dhexe oo ay joogaan ciidamo farabadan oo Burundeys ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.