wararka

Qarax Khasaare dhaliyay Oo Muqdisho lagula eegtay Ciidamada Shisheeyaha.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in qaraxyo culus lala eegtay ciidamo katirsan Shisheeyaha oo marayay qeybo kamid ah magaalada caasimadda ah.

Qarax xoogan ayaa lala helay gaari nooca booyadda ah oo ay wateen ciidamo katirsan Shisheeyaha, kuwaas oo kusii jeeday xerada Maslax oo ah saldhig weyn oo ay deganyihiin ciidamada Shisheeyaha.

Ciidamada Shisheeyaha ayaa markii lala helay qaraxa, islamarkaana laga gubay gaariga waxay soo degeen dhulka, iyagoo rasaas u riday jihooyin kala duwan.

Markaas waxaa lala beegsaday qarax kale oo khasaare adag gaarsiiyay ciidamada Shisheeyaha ee dhulka soo degay.

Inkastoo aynaan helin faafaahin rasmi ah, hadana waxaa la xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca tiro askar ah oo katirsan Shisheeyaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*