wararka

Saraakiil iyo Ciidamo katirsan Shisheeyaha iyo dowladda oo ku waxyeeloobay Dagaal ka dhacay Qoryoolay.

Khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar ay xalay fiidkii Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab  ku qaadeen askarta Shisheeyaha ee heysta degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/hoose iyo kuwa DF.

Dagaalada oo ahaa kuwa saf ballaaran ah islamarkaana hal mar lagu wada qaaday labada fariisin ee shisheeyaha iyo dowladda ayaa waxay socdeen muddo ka badan 30 daqiiqo waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday Saraakiil iyo ciidamo.

Dhanka ciidamada shisheeye waxaa looga dilay dagaalka taliyihii la socodka dhaqdhaqaaqa xeradii ay degganaayeen iyadoo sadax kalana looga dhaawacay sida wararka horudhaca ah ay xaqiijinayaan.

Sidoo kale ciidamada dowladda waxaa uga dhaawacmay afar ruux oo u badan maamulka degmada Qoryooley, waxayna kala yihiin Gudoomiyaha degmada, Ku xigeenkiisa, Madaxa Maaliyadda iyo Taliyaha ciidamada ee degmada,

Gudoomiyaha Qoryooley Siciid Cali ayaa la sheegay in dhaawaciisu uu meel dhexaad yahay balse uu daran yahay ku xigeenkiisa oo lagu magacaabo Cabdi Axmad. Sidoo kale Madaxa Maaliyadda degmada, Laqamow iyo Taliyaha ciidanka Cali Waal ayaan iyagana la dhayalsan karin dhaawacyadooda sida ay noo xaqiijiyeen Ilo xog ogaal ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale xalay saqdii dhexe weerartay ciidamada Uganda ee heysta Baraawe gaar ahaan halka garoonka diyaaradaha laga dhisayo ee Ambareeso. Inkastoo dagaalkan qudhiisu uu cuslaa, haddana kama aanan helin wax faahfaahin ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*