Sarkaal katirsan Ciidamada dowladda Oo Muqdisho Lagu dilay.

Degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir waxaa goordhow lagu dilay sarkaal sare oo katirsan ciidamada dowladda federaalka.

Rag hubeysan oo katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dilay gaashaanle katirsan ciidamada Asluubta dowladda federaalka, kaas oo lagu magacaabo Cabdul-qaadir Colaad.

Dilkan ayaa dhacay barqanimadii maanta, waxaana markii uu dhacay kadib goobta soo gaaray ciidamo katirsan dowladda, kuwaas oo qaatay meydka sarkaalka la dilay.

Sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay, waxaa ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qeybo kamid ah degmada Hodan ku toogteen askari katirsan  Sirdoonka dowladda federaalka.

Xaafadda Al-barako ee degmada Hodan ayaa lagu dilay askari katirsan qeybta dharka cad ee sirdoonka dowladda federaalka. Dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah Saraakiisha iyo ciidamada dowladda federaalka ayaa joogta ka ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo kamid ah meelaha uu loolanku ku dhexmarayo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo dowladda federaalka oo kaashaneysa Shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.