wararka

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab oo Dowro U Qabatay Ku Dhawaad 50 Axkaamley Ah oo Laga Soo Xulay Afar Wilaayo.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay Dowro u qabatay ku dhawaad 50 Axkaamley ah oo laga soo xulay afar kamid ah Wilaayaadka Islaamiga ah iyadoo ujeedadu ahayd aqoon kororsi, baraarujin iyo in bulshada si hagaagsan loogu dhex baahiyo dacwada iyo culuumta sharciga ah. Dadkan Fuqahada ah oo uu heerkooda waxbarasho kala duwanaa islamarkaana ka kala socday wilaayaadka kala ah: Sh/Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ayaa waxay dowrada ku jireen muddo 120 Csiho ah oo u dhiganta afar bilood, waxaana ay ku qaateen 20 Kutub oo ka kooban culuumta Kitaabka iyo Sunnada.

Maktabka Dacwada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa juhdi badan ku bixiyay dhaqan galka dowradan oo loogu magac daray Saxaabiga Mucaad Ibnu Jabal, halku dheggeeduna ahaa (Fahma ka hor inta aadan hogaamin iyo marka aad hogaamiseen kadib) Dowradu waxay bixineysay faham ah in Al-Shabaab ay tix galin weyn u hayaan Culimada Suufiyada kuwooda aan qubuuriyiinta ahayn balse Axkaamta barta ee ku dhaqan Miyiga iyo degaanada Wilaayaadka islaamiga ah, waxaana lagu dhiira galiyay in ay kaalintooda ka qaataan Dacwada, Mujaahidiintana ay garab iyo taakulaba ka helayaan.

Haddaba Idaacadda Islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa waxay ka qeyb gashay munaasanad aad u ballaaran oo lagu maamuusyay gunaanadka dowrada, kana dhacday Wilaayada Galgaduud taasoo ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, Culimo, Odayaal dhaqameedyo, Suugaanley iyo marti sharaf kale. Xafladda ayaa waxaa lagu shaaciyay natiijada Imtixaan gunaanadkii Dowrada laga qaaday Axkaamleyda waxaana afarta kaalimood ee ugu horreeya galay rag ka socday Wilaayada Islaamiga ah ee Sh/dhexe kuwaasoo la siiyay abaal marinno lacageed iyo Kutub. Inkastoo dhanka kale ay jirtay sahay ama abaal marinno ay ka sinnaayeen dhammaan ka qeyb galayaasha dowrada.

Wullaada gobolada Sh/dhexe, Galgaduud iyo Mudug oo hadallo dhaxal gal ah ka jeediyay munaasabadda ayaa Axkaamleyda u dardaarmay iney bulshada ku celiyaan cilmiga ay qaateen iyo kii ay horey u barteen intaba. Dhankooda waxay Axkaamleydu munaasabadda kusoo bandhigeen barnaamijyo iyo khudbado, waxayna aad uga mahad celiyeen sida ay Xarakada Al-Shabaab ugu dadaaleyso midnimada ummada muslimiinta ah iyo kor u qaadidda Dacwada iyagoo ballan qaaday iney kaalin weyn ka geysanayaan halganka lagula jiro ciidamada shisheeye.

Ugu dambeyntii waxaa iyaguna hadallo guubaabo ah soo jeediyay Culimaa’udiin uu kamid yahay Sheekh Cali Katiin, Odayaal dhaqameedyo iyo Abwaan Taakow Mucallim Ciise, waxaana ay xafladdani kusoo dhamaatay Jawi aad u qurux badan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*