Sawirro: Diyaaradaha Maraykanka Oo duqeyn ka fuliyay Janaale, iyo Agab milliteri oo ay ka carareen ciidamadii soo duulay.

Ciidamada Maraykanka oo ay wehlinayaan kuwa Soomaali ah ayaa xalay waxay weerar fashilmey kusoo qaadeen magaalada Jannaale oo kamid ah magaalooyinka gobolka Shabeellaha hoose ee ku jirta gacanta maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Waxaa si adag uga hortagay ciidamada soo duulay dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyadoona laga hor istaagay iney gaaraan hadafkii ay doonayeen ee ah iney laayaan dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan.

Markii ay magaalada afaafkeeda hore kula kulmeen dagaal adag, ayaa diyaarado dhanka hawada ka taageerayay ciidamada soo duulay waxay duqeyn ku garaaceen qaar kamid ah xaafadaha magaalada Jannaale, balse ma geysan wax khasaare nafeed ah.

Burbur xoogan oo gaaray dhismayaal iyo guryo ay degnaayeen dad shacab ah ayaa ka dhashey duqeynta ay geysteen diyaaradaha Maraykanka.

Dhinac kale, ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida  waxaa goobihii lagu dagaallamay kaga carareen qalab ciidan, taas oo muujineysa xaaladda adag ee soo wajahday.

Sawir qaadayaal katirsan Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa u kuurgalay raadadkii ay geysteen duqeymahaas, waxayna kasoo qaadeen sawirro dhowr ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.