SAWIRRO: Gaari Dagaal oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Al-Shabaab.
Dagaal dhowr maalmood kahor ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose ayaa ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku qabsadeen gaari Tikniko ah oo uu ku rakibanyahay Qori dhashiike ah.
Sawirro lagu baahiyay barta Internetka ayaa muujinaya ciidamada Mujaahidiinta oo gacanta ku haya gaari cabdi bile ah, kaas oo lagu qabsaday dagaal ka dhacay duleedka deegaanka Jazeera ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho.
Gaariga waxaa laga qabsaday ciidamada dowladda federaalka, waxaana uu kamid yahay tiro gawaari muhiim ah oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay gacanta ku dhigeen ciidamada Mujaahidiinta.
Hoos ka daawo Sawirro laga qaaday Gaariga.