Sheikh Cali Dheere: Hanti raggii lahaa soo taaganyihiin haku riyoonina inaad si sahlan ku qaadataan.

Sheekh Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali dheere, Afhayeenka guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu kaga hadlay howlgalkii saaka ka dhacay magaalada Boosaaso ee lagu dilay Paul anthony Fermosa oo ahaa agaasimihii shirkadd DP World ee Puntland.
Sheekha wuxuu sheegay in howlgalkaas ay si wanaagsan usoo qorsheeyeen Mujaahidiinta, ayna ku beegsadeen nin uu sheegay inuu masuul ka ahaa boobka lagu hayo dhaqaalaha muslimiinta ee dega dhulka uu maamulo maamulka Puntland.
Sheekh Cali ayaa soo hadal qaaday dhibaatooyinka dhanka dhaqaalaha ah ee shirkadaas ay ku heysay dadka degan gobolka bari, wuxuuna sheegay in Mujaahidiinta ay horey uga digeen shirkadaha noocaas oo kale ah iney faragelin kusoo sameeyaan hantida iyo kheyraadka shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu sheegay in mar weliba ay Mujaahidiintu diyaar u yihiin difaaca umadda Soomaaliyeed, ayna ogolaan doonin in la duudsiiyo ama la boobo hantidooda.
Sheekha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dhulka uu ka taliyo maamulka Puntland iney meel uga soo jeestaan shirkadaha boobka ku hayo kheyraadkooda, Mujaahidiintana ay garab taaganyihiin shacabkooda.
Farriin culus oo ku socota shirkadaha iyo hay’adaha usoo tafa xeetay boobka dhaqaalaha Soomaaliya ayuu sheekhu diray, wuxuuna u sheegay in Mujaahidiintu ay beegsan doonaan, islamarkaana ay fashilin doonaan Inshaa’Allaah.
Sheekh Cali dheere, wuxuu soo hadal qaaday shirka dhawaan ka dhici doona magaalada London, kaas oo looga hadlayo arimaha shidaalka, wuxuuna Sheekhu sheegay in waxa kasoo baxa shirkaas ay xaaraan yihiin, Mujaahidiintana ka hortagi doonaan.
Halkan ka dhagayso Shirka jaraa’id ee Sheekh Cali dheere.