Taliska Maraykanka ee Africa oo sheegay in duqeymaha cirka aan looga adkaan Karin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Jeneral Tomas Waldhauser oo ah taliyaha ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ayaa shaaca ka qaaday in waxba aysan soo kordhineynin duqeymaha dhanka cirka ah ee diyaarahadooda la beegsanayaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Isagoo ka hor hadlayay aqalka Congreska Maraykanka ayuu Wadhauser sheegay in duqeymaha caga cirka ah ee ay la beegsanayaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab aysan joojin Karin dhaq-dhaqaaqyada Jihaadiyiinta iyo weerarada ay la beegsanayaan Shisheeyaha AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka.
“Weerarada xaga cirka ah ee ciidamada Maraykanku la beegsanayaan Xarakada Al-Shabaab, ma joojin karaan Jihaadiyiinta, sidoo kalana laguma jebin karo Xarakada Al-Shabaab” ayuu jeneral Tomas Waldhauser oo ah Abaanduulaha ciidamada AFRICOM.
Jeneral Tomas wuxuu sheegay in muhiim ay tahay in ciidamada Soomaalida ay qaataan dowr weyn oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, loogana baahanyahay iney dhabarka u ritaan culeeska dagaallada.
“Ciidamada qaranka Soomaaliya waxaa laga doonayaa iney tiradooda badiyaan, oo ay dagaallada safka hore ka galaan, waxaana sidoo kale waajib ku ah iney qaataan mas’uuliyadda amniga dalka” ayuu yiri Tomas Waldhauser oo ka hor hadlayay Aqalka Odayaasha Congreska Maraykanka.
Hadalka Jeneraalkan hogaaminaya ciidamada Maraykanka ee howlgallada duqeymaha kawada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli warbaahinta Maraykanka iyo siyaasiyiintooda ay isku waafaqeen in duqeymaha cirka ah aysan waxba soo kordhineynin, balse ay hor seeday in shacabka Soomaaliyeed uu isgarab taago Mujaahidiinta.
Warbixin dheer oo lagu daabacay mid kamid ah wargeysyada Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeymaha dhanka cirka ah ee lagu beegsanayo deegaannada Wilaayaadka islaamiga ay sii kordhiyeen weerarada ay soo qaadayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in si aad ah ay duqeymahaas waxyeello uga soo gaarto dadka shacabka ah, arintaasna ay keentay in colaada loo hayo Maraykanka ay sii kororto, waxaana duqeyn kasta oo dhacda cel celis ahaan ku dhinta hal qof oo shacab ah, sida warbixinta lagu sheegay.
Tan iyo sanadkii 2017-kii diyaaradaha Mareykanka ayaa Soomaaliya ka waday duqeymo wuxuushnimo oo beegsaday dadka iyo duunyada kuwaas oo ay ku sheegeen in ay ku ugaarsanayaan Mujaahidiinta balse duqeymahaas ayaanaan ilaa hadda xaqiijin wax un ka mid ah hormaradii iyo guulihii uu Maraykanku filayay.
Sanadkii 2018-kii, diyaaradaha Mareykanku ayaa fuliyey ku dhawaad 50 duqeyn oo ay ka geysteen meelo kala duwan oo ka tirsan wilaayaatka Islaamiga, halka sanadkan bilowga ahna ay fuliyeen ugu yaraan 12 duqeyn oo ka dhacay deegaano kala duwan
Hadalka Abaanduulaha ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ayaa dad badan waxay ku tilmaameen inuu gogol xaar u yahay qorshaha Maraykanku ku doonayo inuu ku dhimo dagaalka uu kula jiro waxa uu ugu yeeray “Argagaxisada”, kadib sanado dheer oo uu wax guul ah ka keeni waayay.
10% awooda dhanka milliteri ee uu ku bixinayo dagaalka ka dhanka ah muslimiinta iyo Mujaahidiinta ee ka socda Africa ayaa la filayaa in sanadaha soo socda uu Maraykanku dhimo, isagoo xoooga saari doona dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah Shiinaha iyo Ruushka.
Waldhauser ayaa horey u sheegay in ciidamadiisa ku sugan Africa soo wajahday baahiyo ku aadan dhanka qalabka iyo Technologiyada, isagoo sheegay iney ku dhibanyihiin howlgallada dhanka sirdoonka ah, iyo in dhaawacyada laga soo qaado furimaha dagaalka.