Weerar Culus oo caawa lagu qaaday hotelka Makka Al-mukarrama ee Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka dhacay weerar aad u culus oo ku billowday qarax xoogan, kaas oo laga maqlay guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Weerar lagu daahfuray camaliyad Nafhurnimo ayaa lagu qaaday hotelka Makka Al-mukarrama ee ku yaala wadada isla magacaas wadata ee magaalada Muqdisho, waxaana hotelka la weeraray degan saraakiil, madax iyo xubno kala duwan oo katirsan dowladda federaalka.

Qaraxa Nafhrunimada ah kadib, rag inqimaasiyiin ah ayaa u daatay gudaha hotelka, kuwaas oo haatan ka dagaallamaya dhismaha ballaaran ee hotel Makka Al-Mukarrama.

Waxaa la rumeysanyahay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashey howlgalkan weli socda ee ka dhacaya hotelka muhiimka ah ee Makka Al-Mukarrama.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney maqlayaan rasaas xoogan oo la is dhaafsanayo, islamarkaana ciidamada dowladda ay awoodi la’yihiin iney gudaha u galaan hotelka, maadaama ay gudaha ugu jiraan dagaalyahanno aad u hubeysan.

Wixii soo kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.