Weerar ka dhacay Burkina-Faaso oo ciidamo lagu dilay.

Wararka ka imaanaya dalka Burkina-Faso ayaa ku waramaya in weerar xoogan lala eegtay ciidamo katirsan dowladaas, kuwaas oo ku sugnaa qeybo kamid ah wadanka Burkina.

Warar la helayo ayaa xaqiijinaya in weerarka lagu dilay 4 askari oo katirsan ciidamada la dagaalanka “Argagaxisada” ee xukuumadda Burkin-FASO, halka sidoo kale la dhaawacay 5 kale.

Weerarka khasaaraha dhaliyay wuxuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Nasunbo oo dhaca  wuqooyiga dalka Burkina-FAASO.

Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin ayaa ka howlgasha inta badan wadamada dhaca saxaraha iyo saaxilka galbeedka Africa, waxaana horey ay u sheegtay mas’uuliyadda howlgallo ka dhacay wadankaas.

Burkina-Faaso waxay ciidamo ka joogaan dalka Maali, kuwaas oo ka hoos dagaallamaya dowladda Faransiiska oo duulaan diin la dirir ah kusoo qaaday dalka muslimka ah ee Maali.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.