Weeraro Khasaare geystay oo ka dhacay Qoryoolay iyo Tareedisho.

Galabnimadii maanta, ayaa ciidamo katirsan Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar xoogan ku qaadeen fariisin ay ciidamada Uganda ku leeyihiin deegaanka Mushallaay oo hoostaga degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha-hoose.

Weerarka ay qaadeen ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa ahaa mid aad u culus, loona adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana rasaasta ay ku hoobatay dhufeysyada ciidamada Shisheeyaha.

Dagaalka waxaa qeyb ka ahaa duqeyn xoogan oo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku garaaceen saldhiga ciidamada Uganda, waxaana xilligaas saldhiga ka kacay diyaarad nooca hellecopterka ah, taas oo uu soo gaaray waxyeello xoogan.

Ilo lagu kalsoonyahay waxay noo xaqiijiyeen in la arkayay diyaaradda oo qiiqeysa, islamrkaana dib ugu soo degatay halkii ay ka duushey.

Waxaa la rumeysanyahay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamada Shisheeyaha walow aynaan helin faafaahin rasmi ah.

Ciidamada Shisheeyaha ee heysta Qoryoolay ayaa inta badan waxay la kulmaan weeraro khasaare ba’an u geysta, kuwaas oo ay ku qaadaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhinac kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qarax culus waxay la eegteen ciidamo katirsan dowladda oo ku marayay deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa  waxaa lagu dilay 5 askari oo katirsan ciidamada dowladda, oo uu ku jiro sarkaal caan ah oo lagu magacaabo Indha-ceel.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.