Xildhibaan sheegay in dowladdu dhaqaale adag oo aan badal lahayn ka qaado Reer Muqdisho.
Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo kamid ah Baarlamanka ayaa sheegay in dowladda lacaga soo gala ay ka hesho Magaalada Muqdisho islamarkaana aysan soo galin wax lacag ah oo kaga timaada meel ka baxsan caasimadda oo aysan gaarsiisneyn awoodeeda.
Wuxuu qiray in lacagaha dowladdu ay ka qaado shacabka Muqdisho aysan kusoo laaban amaba aanan loogu qaban wax horumar ah iyo adeegyada ay ubaahanyihiin.
“Bil kasta Muqdisho waxaa kasoo xaroota lacag ka badan 17 Milyan oo doolar, isbitaal looma dhisin, waxbarasho ma heystaan, qashin lagama hagaajiyo” ayuu yiri Cosoble.
Iyadoo taasi ay jirto ayay hadana dowladu waxay maalin kasta handadeysaa ganacsatada Muqdisho.
Wasiirka Maaliyadda ayaa tujaarta ugu goodiyay inay xeri doonaan mehradahooda.
Sida Beyle uu horey u sheegay, dowladda bishiiba waxaa ku filan 20 Milyan oo doolar waxaana muuqata in dowladdu ay dooneyso in dhammaan lacagtaas ay ka qaato bulshada ku dhaqan Muqdisho.