10 Qof oo Ku Dhimatay Shil Ka Dhacay Dirirdhabe.

Khasaare badan ayaa ka dhashay shil gaadiid oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn magalada Dirirdhabe oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya xoogga ku heysato. Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dheceen gaaro Bas ah oo rakaabka qaada iyo gaari xamuul ah waxaana uu ka dhacay degaanka Dhangago.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 10 qof oo sagaal kamid ah ay haween ahaayeen, halka qofka kale uu ahaa darawalkii kaxaynayay gaariga baska ee ay rakaabkani saarnaayeen. Dadka degaanka ayaa kusoo baxay shilkan, gurmadna u sameeyay dadka wax yeelladu gaartay.

Shilalka noocan ah ayaa aad ugu soo badanaya wadada xiriirisa magaalooyinka Harar iyo Dirirdhabe oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee ay Xabashidu xoogga ku heysato. Shilalka ayaa waxaa ugu wacan wadooyinka oo aan nidaamsanayn.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.