15 sano kadib, Tirada Muslimiinta Ruushka oo la filayo iney aad u kororto.
Mid kamid ah mas’uuliyiinta muslimiinta Ruushka ayaa sheegay in la filayo dhowr iyo toban sano kadib koror aad u baahsan oo ku yimaada tirada muslimiinta Ruushka.
Raawi Ceynu-diin oo kamid ah A’imada muslimiinta dalkaas ayaa sheegay in dadka qaadanaya diinta islaamka ay aad usoo badanayaan, isagoona sheegay iney filayaan iney aad u kororto tirada muslimiinta 15 sano ee soo socda.
Wuxuu sheegay in 15 sano kadib ay 30% ay ka noqon doonaan muslimiinta tirada guud ee dadka Ruushka, marka wax lagu dhisto dadka qaadanaya diinta islaamka oo aad usoo badnaya, waxaana hadd lagu qiyaasaa tiradooda 7% .
Intaa wuxuu ku daray in Masaajida uu ku arko dad soo islaamay, islamarkaana jamaacada ilaalinaya, isagoona xusay iney waxba soo kordhin waayeen culees iyo caqabado lagu doonayay in lagu yareeyo dadka soo islaamaya.
“waxaan u baahannahay tobanaan masjid, iyo goobo wax lagu barto, kuwaas oo laga furayo magaalooyinka waaweyn ee Ruushka” ayuu yiri Raawi Ceynu-diin.
Wadamada Reer-galbeedka iyo guud ahaan kuwa aan muslimiinta ahayn ayaa waxaa aad ugu faafaya diinta islaamka, taas oo muujineysa ballanqaadkii Nabiga Sallaahu Caleyhi Wasallam ee ahaa in diintan ay gaari doonto inta habeen iyo maalinba ay gaaraan.