Sawirro+ Khudbado: 40 Hogaamiye Qabiil oo Bayco La Galay Xarakada Al-Shabaab.
Maktabka Siyaasadda iyo Wilaayaadka ee Xarakada Al-Shabaab ayaa dowro u qabtay 40 Indheer garad ah oo isugu jira Ugaasyo, Malaaqyo, Salaadiin iyo Nabadoono ka kala socday qabaa’ilka Soomaaliyeed.
Dowrada oo socotay muddo bil ah ayaa waxay odayaashu ku qaateen kutub dhowr ah iyo muxaadaraad waaqici ah. Culuumta ay diraaseeyeen waxaa kamid ahaa Qur’aanka, Xadiithka, Tawxiidka iyo Siyaasadda sharciga. Kama marnayn meesha in laga niqaashayay xaaladda wadanka iyo dowrka odayaasha dhaqanka.
Haddaba munaasabad gunaanad u ahayd dowradan ayaa ka dhacday gobolka Sh/hoose taasoo ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale. Dowrada ayaa waxaa loogu magac daray saxaabiga Dufeyl, taasoo uu halkudheg looga dhigay weedhii qiimaha badnayd ee saxaabiga Abuu Bakarusaddiiq Alle haka raali noqdo’e ee ahayd (Ma aniga oo nool ayay diintu nusqaameysaa?)
Intii ay socotay munaasabadda waxay odayaasha qabaa’ilka Soomaaliyeed beyco la galeen Xarakada Al-Shabaab. Waxaa xusid mudan in munaasabadda laga jeediyay hadallo dhaxal gal ah. Insha’allah waxaan akhristayaasha iyo dhageystayaasheena u ballan qaadaynaa in aan habeen walba qeyb idiin soo gudbin doonno inagoo kusoo qaadanayna barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada.
Qeybta ugu horreysa ee aan imika idiin soo baahineyno waa Beycada iyo sida ay u dhiibeen indheer garadka Soomaaliyeed waxaana ka qaaday Sheekh Xuseyn Sheekh Cali Fiidow oo kamid ah mas’uuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wakiilna ka ahaa Sheekh Abuu Cubeyda, Amiirka guud ee Xarkada. Mujaahidiinta iyo hogaanada qabaa’ilka ayaa waxay ku ballameen qodobo dhowr ah sida:- iney si wada jir ah ula dagaalamayaan shisheeyaha kusoo duulay wadanka.
Sheekha ayaa farriin adag u diray shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya, isagoo dhanka kale dardaaranno u jeediyay salaadiinta. Sidoo kale Sheekh Faarax oo kamid ah culimada diinta islaamka ayaa isna jeediyay kalimad muhim ah oo uu ku qaadaa dhigay dowrka odayaasha dhaqanka.
Halkan Ka Degso Kalimadda Sheekh Xuseyn Sheekh Cali Fiidow
Halkan Ka Degso Kalimadda Sheekh Faarax iyo Dowrka odayaasha