50 Sanno Jir Puntland Ku Kufsaday Gabar Yar oo 5 Sano Jir Ah!!

Kufsiga ayaa aad ugu soo badanaya Puntland iyadoo odayaasha dhaqanku ay soo bandhigeen macluumaadyo la xiriira kiisas hor leh oo kufsi ah.

Nabadoon Xabiib Faarax oo kamid ah wax garadka gobolada Wuqooyi bari oo meel madal ah ka hadlayay ayaa waxa uu sheegay in haddii ay yihiin odayaasha uu soo gaaray kiis xanuun badan.

Wuxuu sheegay nin 50 sano jir ah inuu kufsaday gabar yar oo 5 sanno jir ah.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa sheegay in uu bulshada dhexdeeda ka jiro guux ay ku muujinayaan in odayaashu ka fogaadeen caddaaladda islamarkaana ay xeerar ku xalliyaan kiisaska halista ah sida kufsiga.

Usbuuc ka hor ayay ahayd markii Gaalkacyo lagu kufsaday laguna dilay Caa’isho Ilyaas Qarjab oo ahay gabar ardayad ah oo 13 jir ahay.

Kufsiga ayaa bishii lasoo dhaafay aad u batay waxaana ay dad badan ku macneeyeen mashruuc hey’ado ka dambeeyaan oo la doonayo in maalinta berri ah oo shisheeyuhu u yaqaanaan (Maalinta haweenka) laga dhigto mowduuc laguna raadsado dhaqaale.

Halkan ka dhagayso Nbadoon Xabiib oo arimahaas ka hadlaya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.