Al-Shabaab oo Ciidamada Dowladda Ku Weeraray Badda Marko Gunteeda.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kamiin gudaha badda ah u  dhigay ciidamo katirsan dowladda oo ku safrayay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Marko, iyagoo isticmaalaya doonyo.

Mujaahidiinta oo u muuqday kuwa la socday dhaq-dhaqaaqa iyo xogta ku aadan doonida ay saarnaayeen ciidamada ayaa kamiin ugu dhigay gudaha badda, waxaana badda gudaheed ka dhacay dagaal culus.

Doonida la beegsaday ayaa waxaa saarnaa ciidamo ka baxay magaalada Marko, kuna sii jeeday dhinaca magaalada Muqdisho, waxaana la ogeyn waxyeellada rasmiga ah ee gaartay.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa leh guutooyin dhinaca badda ka howlgala, waxaana ay marar badan fuliyeen weeraro khasaare dhaliyay oo lala eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa Shisheeyaha.

Dhinac kale ciidamo katirsan dowladda oo ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa lagu weeraray qarax xoogan.

Fariisinka la weeraray ee ciidamada dowladda ayaa ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray ciidamada dowladda ee la weeraray.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.