Banaanbaxyo ka dhan ah dowladda Imaaraadka oo ka socda magaalada Cadan ee Yaman.

Malleeshiyaada daacad u ah Imaaraadka.

Iyadoo dhibaatada Imaaraadku ku hayo bulshada degan koonfurta Yaman ay aad u korortay, islamarkaana gaartay heer aan la suureysan Karin, ayaa hadda waxay billaabeen shacabku iney si toos ah uga horyimaadaan dowladan iyo siyaasadeeda.

Gobolka Cadan oo kamid ah gobollada ugu weyn ee koonfura Yaman, ayaa maalintii sadexaad magaalooyin katirsan waxaa ka socda banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan dad weynaha.

Banaanbaxyada ayaa ka dhacaya magaalooyinka Al-mansuura, Al-Maclaa, Cadan iyo kuwa kale, waxaana dadka ay taayarada gawaarida ku gubeen wadooyinka, iyagoo hakiyay isku socodka gaadiidka.

Carada dadkan dibad baxyda dhigaya waxay timid ka gadaal markii malleeshiyaadka ka amar qaata dowladda Imaaraadka ay dileen nin marqaati ka ahaa kiis lagu soo eedayay malleeshiyaadkaas oo ahaa kufsi ay u geysteen gabar aad u da’ yar.

Inkastoo dalka Yaman ay ka jirto dowlad magac u yaal ah, hadana awooda ugu weyn waxay gacanta ugu jirtaa isbaheysiga carbeed ee Aala-sucuud iyo Imaaraadka, waxaana inkastoo aysan is dhaamin, hadana Imaaraadku yihiin kuwa ugu xun, marka laga hadlo tacadiyad ay geysanayaan.

Dalal dhowr ah oo ka tirsan wadamada islaamka ayaa waxaa kacay shucuubtoodii kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka ay xukuumaadka kala kulmayaan waxaana wadamadaasi kamid ah Suudaan iyo Aljeeriya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.