Ciidama Maraykan Daacad u ah Oo dhibaatooyin ka geystay Deegaan kamid ah Shabeellaha hoose.

Ciidamada loo yaqaano Bankrafta ee ka amar qaata kuwa Maraykanka ee Soomaaliya jooga ayaa duulaan kusoo qaaday deegaan lagu magacaabo Cali baarow oo hoostaga deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha hoose.

Bankrafta ayaa deegaanka ku dilay nin darawal ah, iyagoo dhaawacay qof kale, waxaana ay deegaanka ka geysteen dhac baahsan.

Xilliga ay deegaanka soo gaarayeen ciidamada Bankrafta ayaa waxaa deegaanka ka jiray ganacsi ballaaran, kaas oo ay isugu yimaadeen dad badan oo dega deegaanno ka baxsan halka ay dhibaatadu ka dhacday.

Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale, ciidamada Bankrafta ay dhac baahsan ka geysteen deegaanka Tooratoorow, halkaas oo ay duulaan kusoo qaadeen.

Ugaas Cabdullaahi Xaaji Axmed oo ah ugaaska beesha Garre oo kamid ah beelaha dega deegannadaas ayaan ka wareysanaya wixii dhacay.

Halkan ka dhagayso Ugaas Cabdullaahi Xaaji Axmed ugaaska beesha Garre

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.