Ciidamada Bankrafta Oo markale Tacaddi ka geystay deegaan hoos taga Tooratoorow.
Habeenkii xalay, ciidamo daacad u ah Maraykanka oo loo yaqaano Bankrafta ayaa weerar kusoo qaaday deegaan hoos yimaada Tooratoorow oo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose.
Ciidamada duulaanka soo qaaday oo aad u hubeysnaa ayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Hellecopterska waxay uga soo degeen meel u dhow deegaanka Furuqley oo ah halka ay dhibaatada ka geysteen.
Deegaankan oo ay deganyihiin dad xoola dhaqato iyo beeraley isugu jira ayaa hoostaga Tooratoorow, waxaana dadka ku dhaqan ay xalay dareemeen cabsi xoogan, maadaama ay qalqal gelin kala kulmeen ciidamada Bankrafta ee daacadda u ah Maraykanka.
Dadka deegaanka waxay noo sheegeen in ugu yaraan labo guri oo ay deganyihiin dadka shacabka ay gubeen ciidamada Bankrafta.
Maalmahan, ciidamada Maraykanka uu tababartay waxay dhibaato joogta ah ka wadeen deegaannada u dhow saldhiga Ballidoogle, oo ah saldhig u gaar ah ciidamada Maraykanka, waxaana muuqata iney qorsheynayaan in deegaannada ka ag dhow Ballidoogle ay ka barakiciyaan dadka shacabka ah.