Ciidamada Kenya ee kabaxay Faxfaxdhuun Oo Weeraro la kulmay.

Wararka aanu ka heleyno gobolka Gedo ayaa ku waramaya in weeraro xoogan ay la kulmeen ciidamada Kenya ee saaka isaga baxay deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolkaas.

Labo Qarax oo culus ayaa lala helay gawaarida ciidamada Kenyaatiga oo ku baxay wadada aada deegaanka Giriley ee Gedo.

Dad goobjoogayaal ah waxay Idaacadda Al-Furqaan au sheegeen in ciidamada Kenyaatiga ay ka muuqato murug iyo xanaaq, mana ka muuqato farxadda ka muuqatay maalintii ay soo gelayeen deegaanka Fax-faxdhuun.

Khasaare ayaa la rumeysanyahay inuu jiro oo gaaray ciidamada Kenya ee ka baxay Fax-faxdhuun, wadadana kula kulmay labo qarax oo culus, inkastoo aynaan helin tiradaa rasmiga ah.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in ciidamada Kenya ay suuragal tahay iney ka baxaan deegaanka Buusaar oo kamid ah goobaha ay ciidamada Kenya ka joogaan gobolka Gedo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.