Ciidamada Madaxtooyada Oo Xirtay Qeybo Kamid ah Wadooyinka Caasimadda.
Aroornimadii hore ee saaka ayaa reer Muqdisho waxay kusoo tooseen ciidamada Koofiya guduuda ee Madaxtooyada oo xirtay qeybo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.
Wadada Makka Al-mukarrama oo kamid ah wadooyinka ugu muhiimsan ayay xireen ciidamadan, waxaana laga dareemayaa indha taag iyo feejignaan dheeri ah oo ka duwan sidii horey lagu yaqaanay.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxay arinkan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamadan qudhooda ay gadood yihiin, halka warar kale ay sheegayaan iney ka hortagayaan ciidamada kale ee gadoodka sameeyey oo qorsheeyey iney la wareegaan wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.
Halkan ka dhagayso Xog Ku Saabsan Wadooyinka Xiran iyo sababta ka dambeysa.